Dhuusamareeb oo lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid ah BFS

0
212

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay doorashada saddex xildhibaan oo maamulka Galmudug ku matali doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Mudanadaayaasha maanta kusoo baxay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb ayaa kala ah, xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo horay ugu fadhiyay kursiga uu ku guuleystay ee Hop#147 , mudane Maxamed Xuseen Abuukar iyo xildhibaan, Cumar Cali Cabdi .