Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Digniino duufaano ah ayaa laga soo saaray qeybo badan oo ka mid ah badweynta Baasifiga kadib markii dhulgariir weyn oo cabirkiisu yahay 8.8 ku dhuftay jasiirada Kamchatka ee dalka Ruushka.
Awaamiirta daadgureynta ayaa laga soo saaray inta badan xeebaha bari ee Japan, halkaas oo laga filayo mowjado gaaraya ilaa afar mitir.
Waaxda Juquraafiga ee Ruushka ayaa sheegtay in uu yahay dhulgariirkii ugu xoogganaa ee ka dhaca gobolka tan iyo 1952-kii.
Dhulgariirro xiriir ah ayaa isla goobtaas ka dhacay todobaadkii hore.