Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Istanbuul.

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waaxda musiibooyinka Turkiga ayaa sheegtay in dhowr dhulgariir oo is xigxiga ay muddo daqiiqado gudahood ku dhufteen qeybo ka mid ah magaalada Istanbuul, dhammaantoodna waxay ka dhaceen meelaha ku dherersan Badda Marmara.

Waa dhulgariirkii labaad oo cabbirkiisu yahay 6.2 oo ku dhufta Istanbuul oo ay ku nool yihiin bulsho dhan 16 milyan.

Waa magaalada ugu weyn Turkiga halkaasoo ay ku nool yihiin shan meelood meel bulshada dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhulgariirkan aan keliya laga dareemin Istanbuul balse sidoo kale uu saameeyay gobollada ku hareereysan.