Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shan iyo toban qof ayaa ku dhintay, ugu yaraantiina 100 kale ayaa lagu la’yahay dhul go’ka dhacay bariga dalka Uganda, sida laga soo xigtay xafiiska ra’isul wasaaraha iyo booliska.
Roobbab mahiigaana oo ka da’ay aaggaasi ayaa keenay in uu dhulku go’o isla markaana ay aasmaan tobannaan guri.
Dhul go’a ayaa ka dhacay Arbacadii degmada la yiraahdo Bulambuli oo qiyaastii 300 km bari kaga beegan caasimadda Kampala.
Illaa 40 gruri ayaa gabi ahaanba aasmay sida ay warbixin ku sheegtay hay’adda laanqayrta cas ee dalka Uganda, waxana sidoo kale jira guryo kale oo qayb ahaan dumay.
“Waxan helnay maydadka 15 qof, waxana jirta cabsi la xiriirta in maydad kale ay ku hoos jiraan dhiiqada” sidaasi waxa yiri afhayeenka xafiiska ra’isul wasaaraha Charles Odongtho.
Waxa uu intaa ku daray in inkabadan 100 qof lagu la’yahay illaa sideed tuulo.