Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa si rasmi ah looga daah furay tallaallada cusub ee Jadeecada iyo Burikeetada, kuwaas oo si bilaash ah lagu gaarsiin doono bulshada ku nool Dhoobley iyo Deegaanada hoos yimaada.
Nuur Biixi Cusmaan oo kamid ah Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Degmada Dhoobley oo wareysi siiyay Idaacadda Sanguuni ayaa faah-faahin ka bixiyay Talaalkan iyo mudada uu socon doono isagoona Bulshada ku nool Dhoobley ugu baaqay inay ka faa’iideystaan qaadashada talalka.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya