Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigtay dhismaha iskuul cusub oo laga hirgelinayo tuulada Buula Barwaaqo, oo hoostagta Degmada Dhobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Mudane Axmed Faarax Cali Aways, waxaana ku wehliyay maamulka degmada Dhobley oo uu hormuud ka yahay Guddoomiyaha Degmada Dhobley, Mudane Xasan Cabdi Xaashi.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya