Dhismaha Garoonka Kubada Cagta Degmada Beledxaawo oo la bilaabey.

0
64
Screenshot

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa si rasmi ah u bilaawday Dhismaha Garoonka kubada cagta ee dagmada Baladxaawo oo ay dhisayaan Hay’adda Nis Foundation oo gacan ka heleysay Wasaarada Dhalinyarada iyo cayaaraha Dowlada Jubbaland,Waasaradda Arimaha Gudaha Dowlada Wasaaradda howlaha guud iyo Guryeynta iyo Maamulka Dagmada Baladxaawo iyo Odayaasha dhaqanka.

Dhismaha Garoonkan ayaa waxaa si rasmi ah loo asteeyay 10 ka October Sanadkii tagay ee 2024 waxaana Kormeerka Asteynta Goobtan qayb ka ahaa Guddoomiyaha dagmada Baladxaawo ee Dowlada Jubbland Abdicasiis Xareed Abdulahi,Agaasimaha Wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha Dowlada ,Injineero ka socday Ha’ayada NIS iyo sidoo kale masuuliyiinta cayaaraha dagmada Baladxaawo.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa fa-faahineysa