Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland Marwo Faadumo Cali Cabdirakiin ayaa Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ka dhagax dhigtay dhismaha Garoon kubadeed oo loogu talagalay in Dhalinyarada ku nool Degmada Dhoobley ay ku ciyaaraan Kubada cagta oo door Muhiim ah ka qaadata is dhex-gal ka Dhalinyarada.
Dhagax dhiga Garoonka kubada cagta Waxaa Wasiir kuxigeenka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha jubbaland, Maamulka degmada Dhoobley, Engineer ka socday Howlgalka ATMIS SECTOR TWO iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Jubbaland.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya