Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daafaca kooxda chelsea ee Malo Gusto ayaa isaga baxay waajibaadka xulkiisa qaranka France ee 21 jirada kadib dhaawac bowdada ah oo ka soo gaadhay kulankii Crystal Palace todobaadkii hore.
Blues ayaa si isku dhafan ku bilaabatay xilli ciyaareedka 2024-25 ee Premier League, iyagoo diiwaan geliyay hal guul, hal bar-baro iyo hal guuldaro premier League.
Gusto ayaa ku soo bilowday daafaca midig ee Chelsea seddexdii kulan ee ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan, isagoo buuxinaya booska kabtanka kooxda Reece James kaasoo soo dhameystay ganaax seddex kulan ah laga soo bilaabo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, 21 jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo qeybtii labaad ee barbarihii Axadii ee Stamford Bridge kadib dhaawac soo gaadhay.
Gusto ayaa lagu daray xulka 21-jirada France ee isreeb reebka koobka qaramada Yurub ee ay la ciyaareen Slovenia iyo Bosnia and Herzegovina wuxuuna ku biiray xulka Isniintii.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu hadda ka mid yahay saddex ciyaartoy oo laga saaray ciyaarahaas, kuwaas oo ka baxay tababarka xulka France.