Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday galabnimadii Axadda in weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski uu dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada bidix, iyadoo aan la cayimin inta uu garoomada ka maqnaan doono.
Lewandowski ayaa baaris caafimaad ku maray dhaawacii ka soo gaaray kulankii Barcelona ay la ciyaartay Celta Vigo fiidnimadii sabtida, kana tirsanaa wareega 32-aad ee horyaalka Spain.
Wargeyska Isbaanishka ee Marca ayaa soo wariyay in Lewandowski, oo 36 jir ah, uu maqnaan karo ilaa seddex isbuuc, taasoo la micno ah inuu seegi doono kulanka Real Mallorca, finalka Copa del Rey ee Real Madrid, iyo semi-finalka Champions League ee labada lugood ee Inter Milan.
Dhaawaca Lewandowski ayaa dhabar jab weyn ku ah qorshaha tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan muhiimka ah.
Weeraryahanka ayaa ku faanaya Rikoodh gool dhalin oo fiican isagoo dhaliyay 40 gool 48 kulan oo uu saftay, waxaana uu ku hogaaminayaa gooldhalinta La Liga isagoo leh 25 gool.
Waxaa xusid mudan in Barcelona ay ciyaartay seddex kulan oo uu ka maqnaa Lewandowski xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxdu ay guulo waaweyn ka gaartay Mallorca, Real Betis, iyo Valencia, iyagoo dhaliyay shan gool kulan kasta.