Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday halka shan kale ay ku dhaawacmeen kadib shil Gaari oo xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee degaannada Somaliland.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gaari Booyad ah uu galay makhaayad ku taalla xaafada Siinay ee magaalada Hargeysa, waxaana dadka dhintay & kuwa dhaawacmay ay ahaayeen kuwa maqaayadda ku sugnaa.
Ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay halka shilka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawacyada 5 qof, sidoo kalena xabsiga dhigay darawalkii Gaariga Booyada ah.
Shilalka Gaari ayaa aad ugu badan degaannada Somaliland, kuwaas oo badi la sheegay in uu sabab u yihiin waddooyinka qaar oo aad u burbursan.