Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saddex Ruux ayaa geeriyootay halka 8 kale ay dhaawacmeen kadib Shil Gaari oo Maanta ka dhacay waddada wayn ee isku xirta ismaamullada Narok iyo Bomet ee dalka Kenya.
Shilka ayaa ka dambeeyay kadib markii mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo ku wajahnaa Narok uu darawalku isku dayay inuu ka leexdo mooto ka hor timid, balse uu wadaha xakameyn waayay taasoo keentay in mataatuuda ay dhowr mar rogmato ugu dambeyna waxay ku dhacday gaari xamuul ah.
Warbixin ay Booliska soo saareen ayay ku sheegeen in Saddexda qof ee shilka ku dhintay ay kala ahaaheen haweeney iyo labo rag ah , isla markaana wadihii baabuurka xamuulka iyo qof rakaab ah oo la socday ay shilka ka badbaadeen.
Siddeedda qof oo ay soo gaareen dhaawacyo culus ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Longisa ee ismaamulka Bomet si loo daaweeyo.