Dhimashada Dhul-gariirka Japan oo gaartay 30 qof

0
67

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida laga soo xigtay saraakiisha ismaamulka Ishikawa, ugu yaraan 30 qof ayaa hadda la xaqiijiyay inay dhinteen.

Gobolkan ayaa xuddun u ahaa dhulgariirkii maalintii Isniinta dhacay oo cabirkiisu ahaa 7.6 magnitude.

Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa ka digtay suurtagalnimada dhulgariirro halis ah toddobaadka soo socda, gaar ahaan labada ilaa saddexda maalmood ee soo socda.

Maamulka ayaa sidoo kale soo saaray digniino tsunami ah oo ku wajahan ismaamulada dariska ah ee Niigata iyo Toyama, halkaasi oo ay sheegeen in mawjadaha ay gaari karaan.