Dheymanka labaad ee ugu weyn adduunka oo laga helay dhul Afrika ku yaalla

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waa kii ugu weynaa tan iyo markii dheymankii 3,106-carat ahaa ee Cullinan, laga helay Koofur Afrika sanadkii 1905 kaasoo sagaal qeybood loo qeybiyay, qaar badanna ay haatan yaallaan British Crown Jewels.

Dheymanka ayaa laga helay halka macdanta laga qodo ee Karowe, taasoo ilaa 500km (300 meyl) waqooyi kaga beegan caasimadda Botswana, Gaborone.

Dowladda Botswana ayaa sheegtay inuu ahaa dheymankii labaad ee ugu weynaa abid ee laga helo dalkan koofurta Afrika ku yaalla.

Kii ugu weynaa waxaa laga helay Botswana wuxuuna ahaa 1,758-carat waxaana laga helay isla goobtan sanadkii 2019.

Botswana waa mid ka mid ah dalalka dheymanka ugu badan so saara, wuxuuna 20% ka yahay wax soo saarka adduunka.

War ay soo saartay, ayay Lucara ku sheegtay in dhagaxa uu “ka mid ahaa kii ugu weynaa abid ee lasoo saaro”.

“Waxaan ku faraxsannahay wax soo saaridda dheymankan aan caadiga ahayn ee culeyskiisu yahay 2,492 carat,” ayuu yiri madaxa Lucara ee William Lamb.

Shirkadda wax faahfaahin ah kama bixin tayada dheymankan amaba qiimihiisa.

Dheymankan ayaa lagu soo saaray hannaanka Lucara ee dheymanka lagu baaro, sida uu sheegay Mr Lamb.

Lucara ayaa 100% leh goobta macdanta laga qodo ee ku taalla Karowe.

Dowladda Botswana ayaa soo jeedisay sharci shirkadaha ka doonaya marka ay helaan leysin, inay saamigooda ka iibiyaan shirkadaha gudaha haddii aysan dowladdu sheegin inay daneyneyso inay saami ku yeelato, sida ay Reuters sheegtay bishii hore.

 

Dheemanka oo ka mid ah macdinta kuwooda ugu qaalisan ayaa dunida looga isticmaalaa siyaabo kala duwan.

Waxaana siyaabaha loo isticmaalo ka mid ah qofka waxyaabaha dheemanka uu ku jira ee la isku qurxiyo soo xirto loo arko inuu yahay qof lacag leh halka tujaarta dunida kuwooda ugu waaweynna ay dheemanka u isticmaalaan keyd ahaan sida dahabka.

Qarniyadii tagayna dheemanka weliba kiisa buluugga ah waxaa la dhigan jiray guriyaha iyada oo ay dadku aaminsanaayeen inuu yahay mid xijaabo cadowga iyo xumaanta oo dhan.

Waxaa sida oo kale jira dheeman leh midabbo sida casaanka, buluugga iyo cagaarka kuwaasoo ah noocyada dheemanka dunida laga helo kuwa ugu yar.