Dhaqaatiirta oo ka digay Saameynta Caafimaad ee ka dhalan karta xirashada Kabaha dhaadheer ee Dumarka.

0
174

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabaha dhaadheer oo inta badan dumarku u isticmaalaan in ay ku xaragoodaan ama ay isku dheereeyaan ayaa waxa ay kala kulmaan caafimaad darro saamayn wayn ku yeelata nolashooda.

Caafimaad darrada ay kala kulmaan waxaa kamid ah kalyo xanuun iyo in uu lumo dheelitaan la,aanta jidhka iyo kuwa kale oo badan, balse ayna ku baraarugsanayn hablaha soomaaliyeed.

Canab maxamed cumar oo kamid ah gabdhaha ku nool magaalada dhoobley ayaa ka waanisay gabdhaha in ay xirtaan kabaha dhaadheer iyadoo intaasi raacisay in ay caafimaad darro kala kulmi karaan xirashadooda.

Dhanka kale Dr cabdi salaan oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala deegaanka dhoobley ayaa faahfaahin dheeri kabixiyay saamaynta caafimaad ee ay leeyihiin xidhashada kabaha dhaadheer.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya