Dhaqaatiirta oo ka digay Isticmaalka Taleefonnada xiliyada wadada lagu socdo

0
191

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sare u kaca isticmaalka talefoonada casriga ah xiliyada wadada lagu socdo waxay sababeen dhibaatooyiin badan oo halis galin kara nolosha bina’aadamka.Dadka isticmaala talefoonada gacanta iyagoo socda wadooyiinka ayaa la kulma shilal keeni kara in jirkooda dhaawac soo gaadho.

Dhaqaatirta deegaanka ayaa sheegay in horey u dabiibeen bukaano ilkaha ka daateen kadib markii iyagoo taleefoon wadada ku isticmaalaya ay shilal galeen.Hadaba waxaan wareysi la yeelanay mid kamid ah dhaqatiirta ka howlgasho deeganka dhoobley oo an kawareysanay dhibaatada uu la kulmi karo qofka xiliga uu wadada marayo isagoo isticmaalaya taleefonkiisa.

Dhanka kale waxaan gestiisa wareysi la yeelanay mid kamid dhalinyarada deegaanka kaas oo inoo faah faahiyay sababaha keena in dhalinyarada noqdaan dadka ugu isticmaalka badan taleefoonada xiliyada wadooyiinka lamarayo.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa