Dhaqaatiirta ka howlgala Isbitaalka guud ee Degmada Dhoobley oo sheegay in Isbitaalka baahi wayn loo qabo bixinta dhiiga.

0
170

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isbitaalka Guud ee Magaalada dhoobley ayaa ah Isbitaal u adeego bulshada ku nool degmada dhoobley iyo deegaanada hoos yimaada,waa Isbitaal bilaash ah oo aan wax Lacag ah Laga qaadin bulshada ,iyadoona magaalada dhoobley uu Kaalin weyn kaga Jiro dhanka Caafimaadka.

Qeybta dhiiga keydinta iyo bixinta ayaa waxa kamid ah dadka ka faa’iidaysta hoyooyinka ku dhala gudaha Isbitaalka.

Qaar kamid dhaqaatiirta ka howl gasha isbitaalka guud ee magaalada dhoobley ayaa ka warbixiyay baahiyaha isbitaalka u qabo dhiig bixinta waxayna bulshada uga baaqeen in ay xarunta caafimaad soo booqdaan islamarkaana dhiigooda ugu caawiyaan bukaanada u baahan.

Dhiig bixinta ayaa daraasado la sameeyay lagu ogaaday inay u tahay dadka bixiya mid caafimaad weyn u soo jiidaysa.  Waxaana la sheegay in dhiig bixintu yarayso wadna xanuunka.  Daraasad ay sameeyeen khuburada caafimaadka ayaa muujisay in  dadka dhiiga bixiya ay isla markiiba ugu abuurmaan unugyo cusub habdhiska dhiigga wareegga ee jidhka.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay