Dhaqaatiirta Dhoobley oo kadigay Dawooyinka darooga ahaan loo isticmaalo

0
167

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudaha dalka waxa muddooyinkii ugu danbeeyey qaar ka mid ah dhallinyaradu ay noqdeen kuwa daroogo ahaan u isticmaala cirbado iyo kaniiniyo xanuun baabi’ye xooggan ah, iyadoo kuwii isticmaalayna laga helay xanuuno u badan kuwa dhimirka ku dhaca.

Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in ay adag tahay in la iska daayo dawooyinkan, waana kuwa qabatinkoodu uu fudud yahay, iyadoo maalinba maalinta ka danbeysa ay isi-soo tarayaan kiisaska la helayo, taasoo ah mid ay walaac xooggan ka muujinayaan bahda caafimaadka.

Qaar kamid ah dhalinyarada sida qaldan u isticmaali jiray daawooyinkaas oo Radio Sanguuni lahadlay ayaa kawarbixiyay saamaynta caafimaad ee ay ka dhaxleen isticmaalka daawooyinkaasi.

Dhanka kale waxaanwareysi la yeelanay Dr mohamed Hassan oo kamid ah dhaqaatiirta deegaanka dhoobley waxuuna inooga warbixiyay halista caafimaad ee laga dhaxli karo daawooyinka sida qaldan loo isticmaalo.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay