Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Nafaqo darrada oo ah xaalad inta badan lasoo darista caruurta iyo hooyooyinka ayaa ah mid inta badan saameysa bulshada soomaaliyeed.Waxaa jira cunooyin muhiim ah oo laga helo nafaqada kuwaasi oo looga hortagi karo xaaladaha nafaqo darro ee soo wajaha bulshada.
Dadka danyarta iyo kuwa barakacayaasha ayaa ah dadka inta badan wajaha xaaladaha nafaqo darro taasi oo ay sabab u tahay in ay heli karin cuntooyinka laga helo nafaqada.
Qaar kamid ah dadka danyarta ah iyo kuwa barakacayaasha ee ku nool Degmada Dhoobley oo aan wareysi la yeelanay ayaa kawarbixiyay xaaladaha Nafaqo darro ee ay xilligan wajahayaan iyo in ay helaan meela ay kula tacaalaan caruurta iyo hooyooyinka ay soo ridato xaalado Nafaqo darro.
Dhanka kale Dr maxamed cabdullahi oo kamid ah dhaqaatiirta degmada dhoobley ayaan dhankiisa wax ka waydiinay waxa ay tahay nafaqada iyo sido kale cuntooyinka laga helo nafaqada.
Maxamed Cali Samow. ayaa faah-faahinaya