Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Naas-Nuujintu waxa ay door weyn ka qaadataa caafimaadka Hooyada, waxaana ay ka hortagtaa cudurro badan oo ku dhici lahaa Hooyada, taasina waxa ay ku xidhan tahay sida joogtada ah, kuna haboon ee ay hooyo kastaaba u Nuujiso illmaheeda caanaha Naaska.
waxaa manta la ogsonyahay in caanaha naaska hoyada ay yihiin daawada xanunada iyo daawada ka hortaga ee ku dhici lahaa ilmaha iyo hooyada oo aanan jirin wax lala barbardhigi karo oo lagu doorsan karo caanaha naaska hooyada gaar ahaan lixda bilood ee ugu horeyso naas nuujinta ilmaha yar .
Markii uu dhasho ilamaha uuna waayo naas nuujinta caanaha hooyadii waxa uu la kulmaa dhibaatoyin badan oo dhinaca cafimaadka ah sida shubanka mataga iyo cuduro badan .
Qaar kamid ah dhaqaatirta ka shaqeya degaanka dhobley ayaa ka warbixiyeen Faidoyinka uu ubadka uleyahay naas nuujinta iyaga oo intaasina ku daray Hoyoyinka inay ilmahoda si fican naaska unuujiyaan.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa