Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka shuban biyoodka Waa cudur ay sababto bakteeriyada ama jeermiska loo yaqaan vibrio cholera, oo sababa shuban biyood bulshada ku dhex faafa halisna ku ah nolosha bulshada hadii uu ku faafo.
Hadaba qaar kamid dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka guud ee Magaalada Dhoobley oo Radio Sanguuni lahadlay ayaa sheegay in kiisas cusub oo la xariira cudurka shuban biyoodka ay soo gaareen Isbitaalka, waxayna bulshada deegaanka Dhoobley uga digeen halista cudurkan iyagona ugu baaqay in ay ku dadaalaan nadaafada si loga hortago dhibaatoyinka ka dhalan kara Shuban Biyoodka.
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya