Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka Burkiito waa bararidda marinnada hawada ee loo yaqaanno bronchioles ee ku jira sanbabada. Bararku wuxuu keenaa xab ka badan kan caadiga ah inuu sameysmo. Kaasi oo xannibi karaa maritaanka hawadu ay mari lahayd sanbabada waxaana laga yaabaa iney waxyeello u geysato sanbabada.
Calaamadaha inta badan lagu garto Boronkiitada waxaa kamid ah Qufaq is-daba-joog ah Feero xanuun, Neefsasho dhawaq leh iyo sidoo kale Qandho ama qar-qaryo
Hadaba digtoor abduwahaab maxamed oo kamid ah dhaqaatiirta deegaanka dhoobley ayaa sharraxaad kabixiyay cudurka burkiitada iyo waxyaabaha sababa
Dhanka qaar kamid ah bulshada deegaanka dhoobley ayaa ka hadlay halista cudurkan iyo saamayntiisa
Maxamed Cali Samow. ayaa Warbixintan inooga diyaariyay