Dhaqaatiirta Dagmada Dhoobley oo Ka warbixiyay Halista uu leeyahay Cudurka Qaaxada.

0
191

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka Qaaxada waa cudur ku dhici kara caruurta iyo dadka waa wayn waana cudur daawadiisa la heli karo Balse u baahan baaritaano iyo in lala xidhiidho xarumaha caafimadka si looga daaweeyo dadka uu ku dhaco

Cudurka qaaxada ayaa inta badan wuxuu  ku dhacaa sambbabbada isla markaana waxaa uu saameyn ku yeelan kara qaybaha kale ee jidhka sida lafaha iyo maskaxda.

Qaaxadu waxay ka timaadda jermis, Marka uu qofka qabo cudurka qaaaxada ee sambbabbada ku dhaco uu qufaco ama hindiso, wuxuu hawada ku siidaaya jermiska qaaxada.Waxaana dhici karta in jermiskaas hawada ku jira uu qof kale qaato marka uu qofku ku neefsado hawadaas jermiska ah.

Hadaba inagoo warbixinteenan ku eegayna Halista uu leyahay Cudurka Qaaxada Waxa aan waraysi la yeelanay Qaar kamida Dhakhaatiirta ka hawlgala xaruumaha caafimaad ee ku yaala magalada dhobley ee gobolka jubada hoose kuwaas oo inooga warbixiyay Halistiisa iyo Sida looga Horatagi karo.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa