Dhamaan reer Qaza macaluul ayay khatar ugu jiraan

0
54

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda u qaabilsan QM arrimaha bini’aadantinimada ayaa ka digtay in dhamaan bulshada Qaza ay khatar ugu jiraan macaluul, iyada oo ku tilmaamtay “meesha ugu gaajo badan dhulka”.

Afhayeen u hadlay xafiiska iskuxirka arrimaha bini’aadanimo (OCHA) , Jens Laerke ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay hor istaagsan tahay dhamaan inyar oo gargaarka ka mid ah marka laga reebo inay ka soo gasho dhulka.

Waxaa uu sheegay iskudayga gaarsiinta cuntada gargaarka ee halkaasi ay ahayd ” mid ka mid ah shaqooyinka ugu adag taariikhda dhow”.

Qaybinta gargaarka ee kooxda gaarka ah ee ay Israa’iil iyo Maraykanku taageerayaan ayaa marar badan oo soo laalaabtay ay uga dhalatay buuq maalmihii u dambeeyay, iyada oo tiro badan oo dad gaajaysan ah ay isku xoomeen goobaha cuntada laga qaybinayo.