Dhalinyaro ku nool xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Dhoobley oo fursado shaqo u noqotay dajinta iyo sido kale Raridda gawaadhida xamuulka.

0
188

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shaqo la’aanta dalka ka jirta ayaa waxaa ay dhalinyaro badan bartay maaraynta hadba sida ay nolosha u soo marto taasina waxay sababtay inay aqbalaan hadba marxaladaha kala duwan ay la kulmaan.

Soomaliya oo ah wadan muddo dheer ku jiray daganaasho la’aan, abaaro, waxbarasho tayeysan aanay jirin ayaa horseeday dhaqaale burbur muddo dheer, taaso sameyn daran ku yeelatay suuqa shaqada gaar ahaan dhalinyarada.

Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool xeryaha Barakacayaasha ee magaalada dhoobley ee fursado ka helay  dagmada dhoobley dhalinyarada ayaa isugu jira kuwa carrada ku guro gawaarida iyo kuwa ay u noqotay fursado shaqo dajinta iyo sido  kale Rarida gawaarida xamuulka.

Hadaba qaar kamid ah  dhalinyaradaasi oo aan waraysi la yeelanay ayaa inooga warbixiyay  shaqadooda iyo caqabadaha ay kala kulmaan shaqadooda maadaama halka ay dagan yihiin ay tahay meel masaafo ahaan aad uga fog magaalada.

Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan inooga diyaarisay