Dhalinyaro ku nool Dhoobley oo fursado shaqo ka helay goobaha lagu iibiyo cuntooyinka fudud

0
192

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shaqo u sameynta jiilalka soo koraya waxay jawaab u noqotay helidda kobac dhaqaale iyo horumar sugan oo in badan oo kamid ah da’yarta maanta wax ka badashay noloshooda.

Magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose waxaa ku nool dhalinyaro waxbartay iyo kuwa xirfadlayaal ah oo siyaaba kala duwan u dabara noloshooda iyo mida qoyskooda

Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool  dagmada dhoobley ayaa fursado shaqo ka helay foornooyinka lagu sameeyo rootiga, buskudka iyo cuntooyiinka kale ee fudud kuwaasoo markii hore la daala dhacayay shaqo la’aan.

Hadaba qaar kamida ah dhalinyaradaasi oo aan waraysi layeelanay ayaa inooga warbixiyay shaqadooda iyo caqabadaha ay lakulmaan iyagoona inoo sheegay in caqabado badan ay la kulmaan balse ay u dhabar adeygaan.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya