Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose ayaa Mudooyinkii uu Danbeyey ku talabsaneysay horumar dhanka ganacsiga ah iyadoo ganasatada dagmada soo kordhinayeen naqashado cusub oo ganacsi, kuwaasi oo aan horey Dagmada uga jirin, sanadahii u danbeeyay ayey aheyd markii dagmada laga hirgaliyay kaalimo shidaal kuwaas oo ay hirgaliyeen ganacsatada dagmada.
Kaalmahani shidaal ee ay hirgaliyeen ganacsatadu ayaa waxaa shaqa abuur ka helay qaar kamid ah dhalinyarada ku nool dagmada dhoobley ku waasi oo markii hore la daala dhacayay shaqo la’aan.
Hadaba qaar kamida ah dhalinyaradaasi oo aan waraysi layeeshay ayaa inooga warbixiyay shaqadooda iyo fursadaha shaqo ay ka heleen kaalimaha shidaalka ee kuso badanaya dagmada iyagoona ganacsatada kalena ugu baaqay in ay maal gashadaan magaaladooda si ay fursado shaqo uga helaan dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ah.
Ganacsatada Dagmada ayaa qeyb laxaad leh ka qaadanaya horumarka Dhoobley iyo bilicda Magaalada, iyago maalinba maalinta ka danbeysa ku soo kordhinaya naqshado cusub oo Ganacsi.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya