Dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagula taliyay inay beeraha fashaan

0
167

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Tabcashadaha beeruhu waa asal raaca dhabta ah ee uu hayatso dalkeenu sidaasoo ay tahayna inta badan bulshada Soomaaliyeed waxa la sheegaa inay yihiin xoolo dhaqato beeralay taasi oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed ay isku darsadeen kuna sifaysanyihyiin labadaasi tilmaamood.

Xaawo Cabdiqaadir waa Haweenay dhalinyaro ah kuna nool magaalada Dhoobley si kale hadii aan u dhigno waxa ay isku haysaa shaqada guriga ee Hooyo nimo iyo waliba Tabaca iyo falashada beer ay ku leedahay duleedka magaalada Dhoobley.

Inkastoo aanay Muddooyinkii danbe aadin beerteeda hadana wali waxa ay ku taamaysaa ayna aaminsantahay in beeruhu yihiin hadiyad uu qof kasta heli karo isagoo aan cidna marti uga ahayn.

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa ka warramaya