Dhalinyarada Magaalada dhoobley oo Sheegay in ay wadaan dadaalo ay kaga qeyb galayaan Gurmadka dadka Abaaraha saameeyeen.

0
194

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiliyada ay musiibooyiinka dhacaan gaar ahaan abaaruhu waxa ay saameeyaan dhamaan noolaha oo dhan, abaartii ku raagtay gayiga somaalida waxay saamayn balaaran ku reebtay dadka xoola dhaqatada ah kuwaas oo noloshooda ku tiirsanayd dhaqashada xoolaha.

Degmada dhoobley waxaa si maalinla ah u soo gaara qoysas somaali ah kuwaas oo gabi ahaamba abaarta baabi’say xolahooda.

Dhalinyarada oo ah lafdhabarta bulshada ayaa waxay door muuqda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada taasi oo muhiim u ah dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Hadaba waxaan waraysi la yeelanay qaar kamid ah dhalinyarada ee magalada dhoobley inagoo ka waraysanay kaalinta ay ka qadanayaan gurmadka dadka ay abaartu saamaysay.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa