Dhalinyarada Ka Shaqeysata Dhismiyaasha Guriyaha oo Ka hadlay Sida ay Noloshooda Uga Maareeyaan.

0
228

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyarada soomaliyeed ayaa xirfado kala duwan barta si ay ugu maareeyaan nolashooda iyo tan qoysaskooda taas oo fursad u siinaysa in ay noqoto takhasus kooda shaqo.

Hadaba Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool Magaalada dhoobley ee  gobolka jubada hoose ee ka shaqeysta dhismiyaasha guriyah ayaa waxey shegeen in shaqadan ay noqotey mid ay ku mareyaan noloshooda.

Dhalinyaradan oo qaarkood qoysas ay ku bilaan shaqadaan ayaa waxey shegeen sido kale in ay ku faraxsan yihiin  ayna ku filan tahay lacagta ay ka helaan shaqadan oo ah shaqo  maalinla ah.

Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan inooga diyaariyay