Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose waxa ay kamid tahay Magaalooyinka kulul ee Dalkeena, waxaana si weyn looga isticmaalaa Barafka iyadoona Magaalada ay ku yaalaan goobo badan oo warshada lagu dhaliyo barafka.
Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool Degmada Dhoobley ayaa fursado shaqo ka helay Warshadaha lagu sameeyo barafka iyagoona isugu jira kuwa xidh-xidha bacaha barafka iyo kuwa dhaliya barafka.
Hadaba dhalinyaradaasii ka shaqeya Warshadaha barafka oo an waraysi la yeelanay ayaa noga warbixiyay shaqadooda iyo caqabadaha ay lakulmaan iyagoo sheegay in shaqadan ay dhibadan tahay ayna wadato khatar teeda maadama barafka lagu dhaliyo koronto balse ay u dhabar adeygaan.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la imanaya xirfado kala duwan si ay ugu maareeyaan nolashooda iyo tan qoysaskooda taas oo fursad u siinaysa in ay noqoto xirfadahooda shaqo.
Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya