Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyarada Soomaaliyeed ee nolol wanaagsan raadsanaya ayaa inta badan iskudaya in ay tahriib ku gaaraan qaaradda Yurub iyo dalal kale, inkasto oo ay ka sokeeyaan safarro dheer iyo khataro ay lugahooda ku donanayaan.
Hadaba qaar kamid ah dhalinyarada ku nool degmada dhoobley oo radio sanguuni lahadlay ayaa ka warbixiyay sababaha inta badan dhalinyarada soomaliyeed ku dhaliya in ay tahriibaan iyago sido kale dhalinyarada kale ee soomaliyeed uga digay Tariibka taasi oo ay sheegeen in ku gidaaman tahay Khatar badan.
Sikastaba ha ahaatee waxaa sanadihii danbe aad u soo badanayay dhalinyaro soomaliyeed oo tahriibka ka doorbidaya in ay dalkooda hooyo shaqooyin ka abuurtaan iyago islamarkaana la kulmo dhibaatooyin naftoodaba halis galiya.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay