Dhalinyarada Dhoobley oo Bogaadisay Waxqabadka Radio Sanguuni oo u dabaal dageysa sanad guurada 2-aad.

0
169

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Radio Sanguuni ayaa la aas-aasay 15 Jun 2020 waxaana hada laga soo wareegay mudo labo sana, Sanguuni ayaa ah idaacad ka hawlgasha Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaar kamid ah dhalinyarada Deegaanka Dhoobley oo aan waraysi layeelanay ayaan wax  kawaydiinay Doorkii ay ka qaadatay  Idaacadu mudadii labada sano aheyd ay jirtay kawaramida Hormarada dhalinyarada ee Deegaanka wacyi galinta arimaha la xidhiidha sida tahriibka iyo sido kale arimaha bulshada iyagoo noo sheegay in Idaacaddu mudadii ay jirtay ay wax badan ka qabatay dhanka arrimaha bulshada islamarkana hambalyo ku aadan sanad guurada u diray Idaacada Sanguuni.

Dhanka kale isagana waxaan geestiisa waraysi la yeelanay gudoomiyaha dhalinyarada Deegaanka Dhoobley Muxyadiin Jaamac Ismaaciil isagoo noo sheegay in doorwayn ay ka qaadatay Idaacadu wacyi galinta Dhalinyarada Deegaanka.

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya