Dhalashada Jarmalka oo loo fududeeyay qaxootiga ay Soomaalidu ku jirto

0
81

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaxootiga Soomaaliyeed ku nool dalka Jarmalka ayaa si weyn usoo dhoweeyay xeer cusub oo ay soo saartay dowladda Jarmalka, kaasoo dadka qaxootiga loogu fududeynayo qaadsahada dhalashada waddankaasi oo markii hore aad ugu adkeyd dadka soo galootiga ah oo ay ugu hooreeyaan Soomaalida.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dhowaan hay’adaha sharciga dajinta ee Jarmalka ay meel mariyeen xeer u ogolaanaya dadka qaxootiga inay codsan karaan dhalasho una fududeynaya.

Somaali badan oo qaxooti ku ah dalkaasi ayaa caqabado gaar ah oo ka duwan qaxootiga kale taasoo ah in dowladda Jarmalka aysan aqoonsaneyn documentiyada kasoo baxa dowladda Soomaaliya kuwaasoo caddeynaya soomalimadooda.