Dhaawacii Kevin De Bruyne Oo Waji Kale Yeeshay Iyo Walaaca Ku Habsaday Pep Guardiola

0
87

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe uga  ciyaara Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa dhaawac ku seegi doona kulamo muhiim ah oo horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedka dambe ah, waxaana kusii daba-dheeraanaya dhaawacii kasoo gaadhay muruqa lugta ee uu uga baxay qaybtii hore ee finalkii Champions League ee Inter Milan.

Manchester City ayaan heli doonin xiddigeeda ugu muhiimsan ee toddobada sannadood iyo dheeraadka bandhigga heerka sare ah ka samaynayay Etihad Stadum, isla marakaana tiir-dhexaadka u ahaa taariikhdii ay Citizens samaysay xilli-ciyaareedkii tegay ee ay saddexda ee Champions League, Premier League iyo FA Cup isku darsadeen.

31 jirkan ayaa la sheegay in ugu yaraan afarta ciyaarood ee ugu horreeya horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedka 2023/24 uu ka maqnaan doono, sida ay muujiyeen sawirro laga qaaday dillaac darajada saddexaad ah oo muruqiisa kou yimid kaas oo bogsashadiisu ay qaadan doonto muddo bil iyo dheeraad kale ah.

Waxa kale oo uu Kevin De Bruyne seegi doonaa ciyaarta koobka ah ee Arsenal ay waajihi doonaan 6da August ee Community Shield ee Wembley, waxaana ugu xigi doona ugu yaraan afar ciyaarood oo kale oo horyaalka Premier League ah.

Manchester City ayaa kulankeeda koowaad ee horyaalka Premier League waxay la ciyaari doontaa Burnley oo uu tababare u yahay kabtankii hore ee City ee Vincent Kompnay oo heerka labaad kasoo dallacsiiyey, waxaanay ku booqan doonaan Turf Moor.

Waxa kale oo uu seegi doonaa ciyaarta UEFA Super Cup ee Sevilla ay isku haleeli doonaan magaalada Piraeus ee waddanka Giriiga ka hor inta aanu ka maqnaanin labada ciyaarood ee Newcastle United iyo Sheiffleid United.