DFS oo dalka ku soo celisay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daayay Xabsiyada Ruushka

0
78

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah DFS ayaa Maanta Dalka dib ugu soo celisay 16 kamid ah Tahriibayaal Soomaaliyeed kuwaas oo laga soo daayay Xabsiyo ku yaala Dalka Ruushka.

Afar iyo toban kamid ah Mudwaadininta laga soo daayay Ruushka oo soo gaaray Garoonka Aaden Cabdulle ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Qaar kamid ah Masuuliyiinta Wasaaradda arimaha dibada oo uu kamid yahay Agaasimaha waaxada jahliyadaha iyo qurbo joogta Ibraahin Guure Maxamed.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya