DFS & Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka wada hadlay ka hortagga kalluumeysiga Sharci darrada ah.

0
233

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maryam Aweys Jaamac iyo wafdi ay hoggaaminaysay oo safar shaqo ku jooga Kismaayo ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Kulanka oo uu sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Jubbaland Cabdinaafac ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha haykalka guud ee ciidanka ilaalada xeebaha ee dowlada Goboleedka Jubaland si looga hortago dembiyada ka dhaca badda.

Sidoo kale waxaa ay kulanka diirada ku saareen sidii looga hortegi lahaa kalluumeysiga sharci darada Ah,wasaqeynta xeebaha iyo arrimo kale, waxana mas’uuliyiinta ay isku afgarteen sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ay Gaadiid ku wareenisay Dowlad Goboleedka Jubbaland.