Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-War ka soo baxay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa waxaa loogu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iran inay la soo xiriiraan safaaradda haddii ay doonayaan in ay ka baxaan dalkaas, maadaama ay sii kordhayo khatarta ka dhalan karta dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil.
“Safaarada JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed inay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah wadanki ugu noqon lahaayeen.Mobile Number +905345933990” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay safaarada.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku sugan dalka Iran, waxayna halkaasi ku wajahayaan duruufo amni oo culus, taasi oo sameyn ku yeelatay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil, sidoo kale qaar ka mid ah dadkani waa arday wax ka barta jaamacadaha, halka kuwo kalena ay ganacsiyo ku leeyihiin.