Deynta uu Shiinuhu siiyo dawladaha iyo sida shirkadihiisu uga faa’iidaystaan

0
181

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Amaahdii malaayiinka dollar ahayd ee uu dalka Shiinuhu siin jiray dalalka Latin Amerika ayaa haatan uu dalkaasi go’aansaday inay istaagto. Labadii sano ee u dambaysay may jirin wax amaah ah oo cusub oo la siiyey dalalka ku yaalla gobolkaas oo ay ugu horreeyaan dalalka Brazil, Ecuador iyo Venezuela, hase ahaatee wuxuu dalka Shiinuhu taas bedelkeeda xoojiyey amaahda ganacsiga iyo mashaariicda ee uu siiyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Tan iyo sannadkii 2005, siyaasadda bangiyada Shiinuhu waxay ku dhisnayd inay amaah kala duwan siiyaan dawladaha dalalka ku yaal Latin America iyo Cribbean-ka. Dalka Shiinuhu ayaa ku xidha amaahda uu bixinayo, shuruudo u damaanad qaadaya Beijing, inay ka faa’iidaysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalalkaas.

Dalalka ku yaalla gobolka Latin America iyo Crebbian-ku ayaa dalka Shiinaha ka qaatay amaah kala duwan illaa 117 jeer, iyada oo xaddiga amaahda ay qaateen ay gaadhayso illaa $138 bilyan, waxayna amaahdaas badankeeda ay ka qaateen Bangiga Horumarinta Shiinaha iyo Bangiga kale ee dhoofinta iyo soo-dejinta ee loo soo gaabiyo (Exim Bank) ee dalka Shiinaha laga leeyahay.

Dhaqaale burburkii dhacay sannadkii 2008-da, ayaa soo dedejiyey in dalalka ku yaalla gobolkani ay u leexdaan amaahda dalka Shiinaya, gaar ahaan dalalka Argentina, Ecuador iyo Venezuela, iyaga hore ay deymo ugu lahaayeen hay’adaha ka dhisan wadamada reer galbeedku, hase ahaatee waxay amaahda dalka Shiinaha u arkeen fursad maaliyadeed oo ay ku horumarin karaan dhaqaalohooda.

Bangiyada Shiinuhu waxay joojiyeen amaahda cusub ee ay siiyaan dawladaha Latin America sannadkii 2020, waxayna taas bedelkeeda sameeyeen hab cusub oo maaliyadeed oo ay diiradda ku saaraayaan maalgelinta shirkadaha gaarka ee ka shaqeeya dhinaca tamarta, macdanta iyo kaabayaasha kale.