Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan looga hadlayo Amniga, is dhexgalka Shacabka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kulankan wuxuu daaraa fulinta amar uu hore u bixiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan oo faah faahin ka bixiyey kulankan ayaa yiri“Waxaan ka bilownay degmooyinka Gobolka Banaadir barnaamijyo isku xiraya bulshada iyo Ciidamada Booliska.”
Bandhigaan oo ay Kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socdey maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ka socotey Ciidanka Booliska, ayaa muhiimadiisu ahayd adkeynta wada shaqeynta Bulshada iyo Booliiska.