Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee arimaha gudaha fadaralka iyo dimuqadiriyeenta puntland maxamed cali faarax ayaa dhagax dhigay xarunta xalka waara ee degmada qardho dhagax dhiga xaruntan waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha degmada cabdiqadir saciid iyo kuxigeenkiisa madaxa ugu sareeya soomaaliya hayada UNHCR qaar kamid ah xillibaanada golaha deegaanka degmada Qardho iyo marti sharaf kale.
Dhagax dhiga kadib waxaa warbahinta la hadlay gudoomiyaha degmada qardho cabdiqadir saciid iyo gudoomiye kuxigeenka gobolka karkaar.
Uga danbeentii agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha puntland maxamed cali faarax ayaa munaasabada hadal ka jeediyay.
Maxamed Cali Samow. ayaa faah-faahinaya