Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Mudane Axmed Xasan Cumar ayaa maanta degmada Doolow ka daahfuray deeq gargaar oo loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka Gedo.
Deeqdaan oo laga qeybin doono inta badan degmooyinka Gobolkaasi ayaa waxey kamid tahay dadaalada ay dowladda Jubbaland ka wado gobolka Gedo iyo mashaariicda isdaba jooga ah ee hay’adaha dowladda ay kabilaabeen gobolka, Deeqda maanta la qeebiyay ayaa waxaa siwada jir ah isaga kaashaday wasaaradda Gargaarka Jubbaland iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka ee SODMA.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya