Degmada Badhan oo laga daahfuray Mashruuca Talaalka Joogtada ah.

0
56

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland oo kaashanaysa Hay’adda badbaadada Caruurta Ee Save the Children ayaa magaalada Badhan ka daahfurtay Mashruuca Talaalka Joogtada ah kaas laga qabnayo lix degmo oo katirsan gobolada puntland.

Mashruucan ayaa mudada uu socdo xogaa lagu saari doonaa baahinta Talaalka iyo Adeegyada Carruurta si gaar ah Carruurta aan horay u qaadanin Talaalka.

Munaasabadda Daahfurka Mashruuca waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Putland iyo Hay’adda Save the children oo iskaashanay Mashruucan, Maamulka Degmada Badhan bahda Caafimaadka ee Degmada iyo Howl wadaneeda Goobaha Caafimaadka Degmada Badhan.

Xasan Maxamed Cabudllaahi.ayaa kawaramaya