Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddig ka tirsan Real Madrid ayaa caawa oo dhan soo jeedi doona kaddib guushii cajiibka ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay Bayern Munich ee ay ugu gudubtay finalka Champions League oo ay la ciyaari doonto Borussia Dortmund 1da bisha June.
Real Madrid ayaa daqiiqadihii 88aad iyo 91aad uu laba gool u dhaliyey Joselu Mato uu ahaa libaax beddel ku yimid oo shabaqa si fudud kula saaxiibay, iyadoo Bayern Munich isasiisay guul oo gool uu u dhaliyey Alphonso Davies daqiiqaddii 68aad.
Weeraryahanka reer Spain oo goolka koowaad ee uu dhaliyey uu goolhayaha Bayern Munich ee Neuer uu kubadda soo tufay oo uu xajisan waayey isla markii ay dhulka kaga dhacdayna uu ku celiyey oo uu shabaqiisa u weydaariyey, ayaa sidoo kael goolka labaad uu ahaa karoos uu dhinaca bidix ka keenay Antonio Rudiger oo markii hore uu garsooraha dhexe diiday oo uu ku sheegay offside, balse ay VAR hubisay oo ay u xaqiijisay in aanu offside ku jirin.
Jude Bellingham ayaa saxaafadda hor yimid markii ay dhamaatay ciyaartu, waxaana uu sheegay in caawa aanay hurdo u iman doonin oo uu soo jeedayo weeraryahanka kooxdiisa guusha u go’aamiyey ee Joselu, waxaanu yidhi: “Jeslu ma seexan doona caawa in badan. Tababarkii shalay waxa uu ahaa mid caajis ah, laakiin caawa isaga ayaa libaax ah.”
Jude Bellingham oo ka hadlayey kooxdiisa ayaa yidhi: “Marar badan ayaynu aragnay in annaga oo u muuqanna in aanu dhimanay oo lana aasay, aanu haddana guuleysanay. Macno ma sheegayso cidda goolka dhalisay, balse muhiimaddu waa in ay cidi dhaliso goolka. Maskaxda noocaas ah marna ma dhimato.
“Joselu wuu u qalmayay inuu dhaliyo, waxa uu ahaa xubin muhiim u ah kooxda xilli-ciyaareedka oo dhan. Caawana waa habeenkiisii.”