DEG-DEG: Rodrygo Oo Go’aan Kama Dambeys Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Real Madrid Xilli Lala Xiriirinayo Liverpool Iyo PSG

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska AS ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday war cusub oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka reer Brazil ee Rodrygo Goes, iyadoo shakiyo badan ay hareeyeen mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid.

– Advertisement –

Sida laga soo xigtay warbixinta, Rodrygo wuxuu doonayaa inuu sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda, isagoo ay ka go’an tahay inuu qanciyo tababaraha cusub Xabi Alonso kana mid noqdo qorshihiisa farsamo ee cusub. Rodrygo wuxuu hiigsanayaa inuu helo boos joogto ah oo safka koowaad ee kooxda.

Xiddigan reer Brazil ma helin kalsoonida tababare Alonso intii lagu jiray Koobka Adduunka ee Naadiyada (FIFA Club World Cup) ee la qabtay xagaagan, taas oo keentay inuu dareemo niyad jab. Haddaba, wuxuu doonayaa inuu xaaladdaas beddelo islamarkaana muujiyo muhiimadiisa kulamada soo socda.

Waxaa xusid mudan in kooxo waaweyn sida LiverpoolTottenham Hotspur, iyo Paris Saint-Germain ay xiiseynayaan saxiixa Rodrygo, balse illaa hadda ma jiro wax dalab rasmi ah oo kooxahaasi u soo gudbiyeen Real Madrid.

Rodrygo, oo weli ah ciyaaryahan da’yar lehna karti sare, ayaa doonaya inuu mar kale muujiyo tayadiisa iyo kartidiisa isagoo aaminsan in uu qeyb muhiim ah ka noqon karo kooxda Xabi Alonso ee xilli ciyaareedka 2025/26.