Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u dhaqaaqday hawlgalka xiddiga kaliya ee ugu hadhay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan ee ay doonayaan inay la saxeexdaan, si loo dhamaystiro qorshaha tababare Erik ten Hag ee uu dib ugu dhisayo Manchester United.
Red Devils ayaa waxay hore ula soo wareegtay labada ciyaartoy ee Mason Mount oo khadka dhexe ah oo ay kasoo qaateen Chelsea iyo goolhaye Andre Onana oo Arbacadii kasoo degay Carrington kaddib markii uu soo macasalaameeyey Inter Milan.
Booska ay wali Manchester United aadka ugu baahan tahay ee uu tababare Erik ten Hag hore u sheegay in ay qasab tahay in ciyaartoy buuxiya loo keeno, ayaa ah weerarka oo ay u baahana yihin dhaliye dabiici ah, halka Anthony Martial oo ah ciyaartoyga kaliya ee booska No.9 si fiican uga ciyaari karaya uu saluugsan yahay Ten Hag.
Manchester United ayaa waxay hadda diyaarinaysa dalab weyn oo ay ka gudbin doonto xiddiga reer Denmark ee Rasmus Højlund oo afka hore ee weerarka uga ciyaara kooxda Talyaaniga ee Atalanta, kaas oo la sheegay in Red Devils ay si degdeg ah ugu dhaqaaqayso heshiiskiisa kaddib markii siida la sheegay ay PSG soo gashay tartankiisa oo ay doonayso inay ka hor qaaddo Red Devils.
Ilo-wareedyo Manchester United ah ayaa laga soo xigtay in toddobaadkan ay kooxdu wax walba samayn doonto si ay u dhamaystirto saxeexa Rasmus Højlund oo la rumaysan yahay in waqti horeba ay heshiiskiisa shaqsiga ah dhamaystireen.