Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ugu dambayn dhamaystirtay heshiiska xiddigii ay muddada raadinaysay ee André Onana oo saqdii dhexe ee caawa ay la gaadhay heshiis buuxa, isla markaana Inter Milan ay isla meel dhigeen qiimaha laacibkan iyo iibkiisa oo buuxa.
Inter Milan ayaa ogolaatay in €50 Milyan oo Euro oo ay Manchester United u bandhigtay, waxaana uu sidaas ku noqonayaa goolhayaha shanaad ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta.
André Onana ayaa u saxeexaya Manchester United heshiis shan sannadood ah soo socon doona illaa June 2028 oo lagu daray sannad kale oo dheeraad ah oo dookh ahaan ay Red Devils dhaqan-gelin karato, taas oo ka dhigan in André Onana uu joogi karayo Old Trafford illa sannadka 2029, waqtigaas oo ay da’diisu noqon doonto 33 jir.
Goolhayaha reer Senegal ayaa u duulaya magaalada Manchester oo uu tijaabada caafimaadka ku marayo, waxaana uu waqti dambe oo Isniinta ah la midoobi doonaa ciyaartoyda kooxdiisa cusub, sida ay sheegayso warbaahinta Ingiriisku.