Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa si dhab ah u xiiseyneysa laacibka Real Madrid, Rodrygo Goes, sida uu daaha ka qaaday Edu Burgos oo ka tirsan Diario AS. Warbixinta ayaa tilmaameysa in kooxda Premier League-ga ay u direyso Pini Zahavi (wakiil) magaalada Madrid si uu u ogaado xaaladda iyo suurtagalnimada heshiiskan.
Real Madrid ayaa qiimeyn sare dul dhigtay weeraryahankooda – €100 milyan – kaddib markii Rodrygo uu hoos uga dhacay waxqabadkii booska safka koowaad ee Xabi Alonso.
Heshiiskan suurtagalnimadiisa ayaa si weyn ugu xiran mustaqbalka Luis Díaz, kaas oo horey Liverpool ugu sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxda. Bayern Munich ayaa dadaal weyn ugu jirta saxiixiisa.
Liverpool ayaa horey u lumisay Diogo Jota kaddib shil gaari oo naxdin leh, waxaana haddii Díaz uu baxo ay kooxdu laa daalaa dhici doontaa baahi degdeg ah oo ah in garabka weerarka la xoojiyo. Rodrygo ayaa haatan u muuqda kan ugu cadcad ee loo qorsheeyay inuu booskaas muhiimka ah buuxiyo.