Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa waqti dambe oo xalay ah qaadday tallaabo weyn oo ay isku xoojinayso, waxaanay u dhaqaaqeen heshiiska xiddiga lama-taabtaanka ka ah xulka qaranka Brazil ee sannadkii tegay wacdaraha ka dhigayay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.
Manchester City oo hore u buuxisay booskii uu banneeyey Ilkay Gundogan oo tegay Barcelona, ayaa waxa beddelkiisa ay keensadeen Mateo Kovacic, hase yeeshee si ay u xaqiiqsadaan in ay mar kale ku guuleystaan dhammaan koobabkii ay qaadeen sannadkii hore, ayaa waxa ay isku soo xoojinayaan xiddig kale oo uu tababare Pep Guardiola taageere weyn u yahay.
Laacibka ay Manchester City saxeexiisa u dhaqaaqday ayaa ah kubbad-sameeyaha xulka qaranka Brazil ee Lucas Paqueta oo ay ku darsadeen liiska ciyaartoyda ay doonayaan inay la saxeexdaan, kaas oo kooxdiisa West Ham aan la hubin sida ay ku ogolaanayso inay iibiso, maadaama uu hore uga tegay Declan Rice.
City ayaa la sheegay in ay wada-hadallo la furayso laacibkan, sidoo kalena ay diyaarinayso dalab ay u gudbinayso kooxdiisa West Ham, taas oo ay wararku sheegayaan in ay ku adkaysan doonto in aanay iibinin, balse ay City kasoo mari doonto dhinaca ciyaartoyga.
25 jirkan uu taageeraha weyn u yahay tababare Pep Guardiola ayaa sannadkii 2002 ay West Ham kasoo iibsatay kooxda reer France ee Lyon oo uu u ciyaaray muddo laba sannadood ah, waxaana uu hore waqti fiican ugu soo qaatay AC Milan oo uu u dheelay 2019–2020.