DEG-DEG: Kylian Mbappe Oo Ku Dhawaaqay Go’aanka Mustaqbalkiisa.

0
78

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa shaaciyey go’aanka mustaqbalkiisa iyo kooxda uu u ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe, kaddib markii uu markii afraad oo xidhiidh ah ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1.

Kylian Mbappe ayaa jabiyey rikoodhkii Zlatan Ibrahimovic ee xiddiga sannadka ee  horyaalka Ligue 1 oo uu saddex sannadood oo isku xigta qaaday 2013, 2014 iyo 2016, hase yeeshee Kylian Mbappe ayaa caawa markii afraad oo xidhiidh ah la siiyey isaga oo kusoo guuleysanayay laga soo bilaabo sannadkii 2019, iyadoo 2020 loo kansalay xanuunkii Covid-19.

Waxa uu Mbappe abaal-marinta  ku garaacay saaxiibkiisa PSG ee Lionel Messi oo caawa ku sugnaa magaalada Barcelona, labada ciyaartoy ee Lyon ee Lois Openda iyo Seko Fofana iyo waliba weeraryahanka Lyon ee Jonathan David.

24 jirkan ayaa fagaarihii lagu guddoonsiiyey abaal-marinta waxa uu ku shaaciyey go’aanka mustaqbalkiisa oo toddobaadyadii ugu dambeeyey ay hadal-hayn badan ka taagnayd lana sheegayay in ay suurtogal tahay inuu ka tegayo PSG.

Mbappe waxa uu kaliya xaqiijiyey in xilli-ciyaareedka dambe uu sii joogayo PSG, laakiin waxa uu ka gaabsaday in uu dhaqal-gelinayo sannadka saddexaad  ee dookha ahaa  ee heshiiskii uu sannadkii hore u saxeexay PSG, kaas oo dhigayay in bisha June uu sii gaadho go’aanka ah in uu kordhinayo sannadka saddexaad iyo in kale.
“Waan faraxsanahay, mar walbana waxa aan doonayay in aan taariikh ka sameeyo halkan oo la iga xasuusto.” Ayuu ku bilaabay Kylian Mbappe, waxaanu ku daray: “Waan jecelahay halkan [PSG], waxa aan qayb ka ahay mashruucan oo aan doonayo in aan sii wato. Xaqiiqadu waxay tahay in xilli-ciyaareedka dambe aan halkan ka ciyaari doono.”